DF Soomaaliya oo warqad la xiriirta doorashooyinka u dirtay QM

0

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo ay kaga hadleyso arrimaha doorashooyinka,

Qodobada ay dowladda soo saartay waxaa ka mid ah.

  1. Doorashooyinka Qaranke ee Soomaaliya sida wadan kasta oo xor ah waa arrin heer Qaran ah, sida ku cad go’aanka hay’adaha dastuuriga ee Qaranka iyo qodobka 30-aad ee baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyay, sidaa daraadeed waxaan qadarineynaa taageerada hagar la’aanta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku aadan Madax banaaninada dhuleed, Karaamada, midnimo iyo midda siyaasadeed ee Soomaaliya.
  2. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay u aragtaa fara gelin kasta ee hanaanka doorashooyinka Qaranka ku sameeyaan xubno dibadda ah, fara gelin toos ah oo lagu sameeyay arrimaheena gudaha iyo jebin la jebiyay sharuucda Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah.
  3. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u tixgelineysaa heshiiskii 17 September mid saldhig u ah hannaanka doorashooyinka, waxayna taageereysaa soo jeedinta 16-kii February Guddiga farsamada ee Baydhabo, iyadoo aan sharuud ku xireynin.
  4. Iyadoo laga jawaabayo walaaca la xiriira ammaanka doorashooyinka, waxaan halkan ku xoojineynaa in Guddi ammaan oo doorashooyinka uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha, ayna farsamo ahaan wajihi doonaan arrimaha la xiriira doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here