Daawo: Dhacdo sababtay geerida laba darawal oo ka dhacday Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhacdo kulansatay geerida laba darawal iyo dhaawac qof kale oo shacab ah oo saaka ka dhacday magaalada Muqdisho.

Dhacdadaan ayaa timid, kadib markii askari ku sugan isgoyska Howlwadaag uu dilay wiil dhalinyaro ah oo wade ka ahaa mooto Bajaaj, xilli uu marayey halkaasi.

Marxuumka ayaa waxaa xilliga la dilayay la socday hooyadiis iyo walaashiis, isaga oo u waday isbitaal, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Hooyada iyo gabadha la socotay darawalka la dilay ayaa sidoo kale goobta ku suuxay, naxtin ay ka qaadeen darteed dilka wiilka.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dibad-bax uu ka dhashay falkaan, isla-markaana ay ciidamadu rasaas u adeegsadeen taas oo uu ku dhintay darawal kale oo wade ka aha gaari Hoomey ah, halka uu ku dhaawacmay darawal saddexaad oo isna waday mooto Bajaaj.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Howlwadaag oo ku aadan dhacdadaasi.

Arrintan ayaa sababtay in muddo kooban uu xirmo dhaq-dhaqaaqa isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, maadaama xaalad kacsanaan ah laga dareemayo halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here