Dhagax ka yimid hawada sare oo laga helay Gobolka Hiiraan

0

MUQDISHO (SMN) – Koox cilmi-baarayaal ah oo ku sugan Dalka Kanada ayaa sheegay in ay heleen laba macdan oo aan horey loo arag – iyo suurtagalnimada mid sedexaad – ka dib markii ay baareen qeyb ka mid ah dhagax ka yimid hawada sare oo ku soo dhacay bartamaha Soomaaliya.

Dhagaxan oo cabirkiisu ahaa 15-tan ayaa laga helay 2020-kii degaanka Ceel-Cali ee Gobolka Hiiraan, sida lagu daabacay wargeysaka The Guardian oo fadhigiisu yahay Magaalada London ee Dalka Britain.

Waa dhagaxii 9-aad oo ballaciisu dhan yahay labo mitir oo dunida laga diiwaan geliyay, sida uu daabacay Wargeyska The Guardian. Iyada oo Xoolo dhaqata Degaanka ayaa sheegay in ay aad ay u garanayeen dhagaxa islamarkaana ay jirto heeso iyo gabayo loo tirayay.

Cilmi-baarayaasha reer galbeedka ayaa dhagaxan ugu magac-daray Ceel-Cali maadaama uu ku soo dhacay islamarkaana laga helay Degaanka Ceel-Cali ee Gobolka Hiiraan.

70-gram ka mid ah dhagaxan ayaa loo diray Jaamaccadda Alberta, gaar ahaan qeybteeda shey-baarka si loo ogaada nuuca macdan ee uu huwan yahay dhagaxan laga helay Soomaaliya.

Dhaqtar Chris Herd, oo ah Barfasoor ka tirsan waaxda dhulka iyo cimilada, ayaa sheegay in markii uu baaray dhagaxa uu arkay macdan “aan caadi ahayn”. Herd ayaa ka codsaday Andrew Locock oo ah madaxa shaybaarka ee jaamacadda, in uu isna baaro.

Barfasoor Chris ayaa xusay in baaritaan kooban kadib dhagaxa laga helay labo macdan oo cusub, kuwaasi oo uu ku tilmaamay wax “cajiib ah”

Macdan nuucan ayaa sidoo kale la helay 1980-kii balse lama diiwaan gelin sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaasi ku daray in ay wadaan baaritaan ku aadan in helo macdan sedexaad.

Ilaa hada ma cadda haddii Madaxda Dowladii hore ay wax ka ogaayeen dhagaxan laga helay Gobolka Hiiraan, iyo cidda ka dhoofisay dalka Soomaaliya, maadaama xogta la xiriirta dhagaxan macdantiisa ay la yaabeen cilmi-baaraayaashu ay tahay mid markii ugu horeysay ay maqlaan Shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here