Dhalinyaradii afduubka loogu haystay magaalada Beledweyne oo la sii daayey

0

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in la sii daayay sedex nin oo dhalinyaro ah oo maalmihii la soo dhaafay rag hubeysani afduub ugu haysteen xaafadda Hawl-Wadaag ee magaaladaasi.

Ragga afduubka gaystay ayaa ku andacoonayay inay sidaa u sameeyeen iyagoo ka xun warkii ka soo baxay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee sheegayay in Ikraan Tahliil oo la waysanaa labadii bilood ee la soo dhaafay ay u gacan gashay Al-Shabaab ayna dileen.

Sidoo kale Ragga la afduubtay ayaa ku hayb ah Agaasimaha hadda muranku ka taagan yahay xilkiisa ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, halka ragga afduubka gaystay ay ku reer yihiin gabadha maqan ee Ikraan Tahliil Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here