Dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo laga dareemayo duleedka Matabaan

0

MATABAAN (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo degmada Matabaan ee gobolkaasi.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa lagu soo warramayaa inay isku ballaariyeen deegaanada hoostaga degmadaas oo ay shalay la wareegeen Al-Shabaab, kadibna ay isaga baxeen.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa dhankooda dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka dhaco duleedka Matabaan.

Si kastaba, shalay ayey aheyd markii ciidamada dowladda iyo xoogaga Al-Shabaab ay isku bad-bedaleen gacan ku heynta Matabaan oo haatan ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here