Dhaqtar loo haysto Al-Shabaabnimo oo la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwadda loo heysto eedeysane Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr. Fanax) oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan Al-Shabaab, kuna gambanayay in uu yahay dhaqtar ka shaqeeya daaweynta neerfaha, sida ay shaacisay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Dr. Fanax oo la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada ayaa iska dafiray dhamaan eedeymaha loo jeediyay oo qayb ka ahaa dilal, qaraxyo iyo weeraro ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa loo soo jeediyay in uu ku qaraabanayay ID been abuur ah oo uu ku lifaaqan yahay in uu yahay madaxa kormeerka iyo qiimeynta HIV ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxaa fadhiga Maxkamadda soo xiray guddoomiye Xasan Cali Nuur (Shuute) oo sheegay in go’aanka kama dambeysta ah ay dib ka shaacin doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here