Dib u dhac ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland

0

MUQDISHO (SMN) – Qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka senatorrada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa lagu shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lagu balansanaa in maanta ay musharaxiintu khudbadahooda jeediyaan, si maalinka xiga ee 28-ka bisha ay doorashadu u bilaabato.

“Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu.
Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga.

Jadwalkii horay uga soo baxay guddigaan ayaa dhigayey in doorashadu ay bilaabaneyso maalinka Talaadada ah ee 28-ka bishan, lana soo gabagabeeyo 30-ka bishan September, balse waxay doorashadu hada dib u dhacday waqti aan la cayimin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here