Duulimaadyada diyaaradaha ee Soomaaliya iyo Kenya oo dib u billowday

0

Kaddib mudo ah bil ah oo ay hakad ku jireen duulimaadyadii tooska ugu kala gooshi jiray dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa maanta oo Axad ah dib u bilowday safarada dhanka cirka ee magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.

Arrintaan ayaa ka dambaysay kaddib markii 10-kii bishan ay dowladda Kenya shaacisay inay qaaday xayiraaddii ay bishii May kusoo rogtay duulimaadyadii diyaaradaha ee Soomaaliya.

Tilaabadan ayaa waxaa ku farxay ganacsata Soomaalida ee diyaaradaha ee Nairobi oo sheegay in muddadii ay xayiraaddu jirtay uu ganacsigoodu soo wajahay khasaare weyn.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa haatan wada dadaallo xoogan oo dib loogu soo celinayo xiriirkooda, si meesha looga saaro khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here