Diiwaan-gelinta xubnaha Musharixiinta oo maalintii labaad ka socoto Aqalka Sare

0

MUQDISHO (SMN) – Xarunta Golaha Aqalka Sare ee magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socota diiwaan-gelinta xubnaha Musharaxiinta ee u tartamaya xilka Madaxweynaha.

Guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha aya shalay diiwaan-geliyay ilaa 10-Musharax kuwaas oo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in maanta xarunta ay kasii socoto diiwaan-gelinta, si loo sii amba qaado howlaha dhammeystirka ee doorashooyinka.

Murashax Madaxweyne Dr. Saciid Ciise Maxamuud ayaa maanta qaatay shahaadada murashaxnimada madaxweynaha 10-Aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Diiwaan-gelinta musharrixiinta Madaxweynaha ayaa socon doonto illaa 10 bishaan May, waxaana xilka madaxweynaha u tartamaya musharaxiin badan oo saameyn leh.

Si kastaba,15 bishaan ayaa loo asteeyay inay dhacdo doorashada guud ee Madaxweynaha Soomaaliya, sida uu horey u shaaciyey guddiga doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here