Diyaarad milatari oo ku dhacday saldhig ku yaalla gobolka Shabeelaha Dhexe

0

JOWHAR (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay uu halkaasi ka dhacay shil ka dhashay diyaarad sahay u sidday ciidamada ATMIS.

Diyaaradda ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhacday saldhig ay ciidamada Burundi ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in shilka kadib uu dab ka kacay qaybo ka mid ah saldhigga ciidamada howlgalka ATMIS, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay falkaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay taliska guud ee ciidamada ATMIS oo ku aadan shilkaasi diyaaradeed ee ka dhacay saldhigga deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here