Diyaarad xamuul ah oo ku gubaneysa garoonka diyaaradaha Doolow

0

DOOLOW (SMN) -Diyaarad ayaa hadda ku gubanaysa garoonka diyaraadaha magaalada Doolow ee gobolka Gedo, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolkaasi.

Diyaraadda ayaa nooceedu yahay C-160 waana diyaarad xamuul. Waxay saaka ka tagtay magaalada Muqdisho iyadoo sidda xamuul.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in diyaaradda uu dab qabsaday markii ay soo cago dhigataay garoonka.

Ilaa hadda lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilkan. Sidoo kale mas’uuliyiinta Doolow iyo kuwa gobolka Gedo ayaan weli ka hadlin.

VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here