Diyaaradaha Itoobiya oo duqeyn culus ka geystay gobolka Gedo

0

GARBAHAAREY (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay doyaaradaha dagaalka Itoobiya ay duqeymo ka geysteen deegaan hoostaga gobolkaasi.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa ka dhacday deegaan lagu magacaabo Qoney oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in deegaankaasi lagu arkay xubno ka tirsan Al-Shabaab, taas oo keentay in duqeyn lagu garaaco halkaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka ay diyaaradaha dagaalka Itoobiya ka fuliyeen gobolka Gedo.

Arrintaan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo dhawaan xoogaga Al-Shabaab ay duulaan ku qaadeen dhulka dowlad deegaanka oo ay kula dagaalameen ciidamada Liyuu Boolis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here