Diyaaradda Turkish Airline oo ka soo degtay garoonka Aadan Cadde

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka soo degtay diyaaradda Turkish Airline oo shalay safarkeedii garoonka Aden Cabdulle uu baaqday kadib markii ay ka laabatay dalka Jabuuti.

Dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda Turkish Airline ayaa shalay dib ugu laabtay Istanbul, sida ay sheegtay dowladda Jabuuti.

Dhanka kale magaalada Muqdisho waxa lagu wadaa galinka dambe ee maanta inuu ka furmo shirka Guddiga Amniga Qaranka oo uu horey ugu baaqay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Maxamad Cabdullaahi farmaajo.

Shirka ayaa lagu wadaa inuu warbixin ka dhagaysto madaxda Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka taas oo ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here