Diyaarado dagaal oo xalay duqeymo culus ka fuliyay gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Faah-faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa duqeymo ay xalay diyaarado dagaal ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan ayaa ka dhacay deegaanada kala ah Ceel Xasan Cali iyo Bud-bud oo u dhow magaalada Galcad ee gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan milariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi dhanka cirka ah lagu beegsaday goobo ay isku uruursanaayeen xoogaga ka tirsan Al-Shabaab, waxayna shaaciyeen in khasaare lixaad leh ay kooxda ka soo gaareen duqeymahaasi diyaaradeed.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Shababa oo ku aadan weerarkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo saaxibadooda caalamiga ah.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanadaas oo ay maalmahaanba isku horfadhiyeen labada dhinac.

Galgaduud oo hoostaga Galmudug ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxayna ciidamadu ku qabsadeen deegaano horleh oo dhaca gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here