Doon sidday maan-dooriye oo xalay lagu qabtay xeebta Liido

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa xalay gacanta ku dhigay doon sidday waxyaabaha maanka dooriya, taas oo lagu soo bandhigay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Doonta ayaa la sheegay inay ka soo shiraacatay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay xeebta Liido oo lagu soo bandhigay doontaan ayaa sheegay in howlgal culus oo ka dhan ah maan-dooriyaha ay bilaabeen ciidanka booliska Soomaaliyeed.

“Doontaan waxay siday waxyaabo badan oo maandooriye ah oo isku dhex jira, sidaan ayaan uga hor tegeynaa markasta oo aad isku daydaan inaad dalka ka soo gelisaan muqaadaraad. Waxaan ugu baaqayaa dadka doomaha leh inay ka waantoobaan waxyaabahaan ay qaadayaan, hadii kale boolisku waxay la tiigsa doonaan sharciga, nagama baxsa doontaan,” ayuu yiri Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan

Ciidamada ammaanka Soomaaliya waxay maalmihii lasoo dhaafay si xariir ah ugu guuleysteen howlgallo ka dhan ahaa waxyaabaha maanka dooriya oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaa gacanta lagu dhigay warshado lagu sameyn jiray maan-dooriyaha, sidoo kale waxay hey’adaha ammaanku gubeen noocyada kala duwan ee maan-dooriyaha, iyadoo gacanta lagu dhigay dadkii ka ganacsa jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here