Doorashada afar xildhibaan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Doorashada afar kursi oo kamid ah golaha shacabka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo degaan doorashadoodu tahay Somaliland.

Afarta kursi ee maanta la doortay ayaa waxaa ku soo baxay Xildhibaan Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi, Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar iyo xildhibaan C/llaahi Cusmaan Ducaale Sugulle.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa horay u faray guddiga maamulka Doorashada Somaliland in ay dardar geliyaan qabashada kuraasta doorashooyinka iyo sida laga maarmaanka u tahay hufnaanta doorashooyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here