Doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo maanta ka dhaceysa Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka socoto magaalada Muqdisho, taas oo maanta ka dhaceysa Teendhada Afisyooni ee xerada Xalane.

Xildhibaanada ayaa loo diray farriin wargelin ah, waxaana sidoo kale aad loo adkeeyey ammaanka Teendhada Afisyooni, maadaama ay taagan tahay xiisad ka dhalatay doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen ee koowaad iyo labaad.

Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa isku soo taagay illa 8 musharrax waxayna kala yihiin:-  1-Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed (Xidig), 2-Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmed (Black), 3-Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Saransoor, 4-Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur, 5-Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, 6-Xildhibaan Saadiq Cabdullaahi Cabdi, 7-Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla, 8-Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Sidoo kale waxqq xilka guddoomiye ku xigeenka 1-aad ku tartamaya 10 misharax, halka ku xigeenka 2aad ay isugu diiwaangeliyeen illaa 7 Xildhibaan.

Shalay ayaa magaalada Muqdisho lagu doortay guddoomiyaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen, taas oo ku dhacday jadwalkii horey loo soo saaray ee doorashada guddoonka Golahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here