Doorashada kuraas ka mid ah Aqalka Sare oo ka dhaceysa Baydhabo

0

Qaban-qaabadii ugu dambeysay doorashada saddex kursi oo ka mid ah Aqalka Sare ayaa haatan ka socota gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku loolamaaa illaa lix musharrax, waxayna kala yihiin:-

1- Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi

2- Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo Cabdulqaadir Cabdi Axmed

3- Cabdiweli Maxamed Ibraahim iyo Cabdullahi Roobow Maxamed.

Ugu horreyn xubnaha musharraxiinta ah ayaa khudbado u jeedin doono xildhibaanada Koonfur Galbeed, kadibna waxaa la qaadi doonaa codeynta, sida uu shaaciyey guddiga.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay xarunta baarlamaanka, si ay u sugaan amniga doorashada ka dhaceysa halkaasi.

Koonfur Galbeed ayaa horey u soo xushay illaa 5 Senatar, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here