Doorashada kuraas ka mid ah Aqalka Sare oo ka dhaceysa Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Galmudug ayaa maanta qabaneysa doorashada kuraastii ugu dambeysay xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qaban qaabada doorashada kuraastan oo labo ah ayaa waxaa haatan laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulkaasi.

Illaa afar musharrax oo ku soo baxay liiskii uu dhowaan soo saaray madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ku tartamaya doorashada maanta.

Waxayna kala yihiin:-

Kursiga 1-aad:

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Cawil Nuur Cali.

Kursiga 2-aad:

Cabdi Cismaan Xareed

Mahad Aadan Guuleed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here