Doorashada kuraas ka mid ah Aqalka Sare oo ka dhaceysa Jowhar

0

JOWHAR (SMN) – Qaban-qaabadii ugu dambeysay doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ayaa maanta ka dhaceysa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Guddiga doorashada ee HirShabelle ayaa shaaciyey in kaliya maanta la qabanayo doorashada saddex kursi oo ka mid ah  kuraasta taalla maamulkaasi.

Musharixiinta u taagan kuraastaasi ayaa sidoo kale xalay kulamadii ugu dambeeyey la yeeshay xildhibaanada HirShabelle, iyaga oo kala hadlay doorashada maanta dhaceysa.

Guud ahaan illaa 27 musharax ayaa isku soo taagay sideeda kursi Aqalka Sare ee taalla Jowhar, taas oo xamaasad gooni ah u yeeshay doorashada maamulka HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here