Doorashada kuraas ka mid ah BF oo maanta ka dhaceyso Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada shan kursi oo ka mid ah baarlamaanka federaalka.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa kala ah:- Hop196, Hop166, Hop249, Hop200 iyo Hop235 oo dhammaan deegaan doorashadood ay tahay Garoowe.

Sidoo kale kuraastan ayaa ka mid ah 11 kursi oo ay horey Puntland ugu dhawaaqday inay qabaneyso doorashadooda, kuwaas oo qeyb ka ah xubnaha ka imaanaya maamulkaasi.

Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo 25 bisha soo socota Febraayo ee sanadkan 2022-ka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here