Doorashada Kuraas ka mid ah Golaha Aqalka Sare oo ka dhaceysa Jowhar

0

JOWHAR (SMN) – Doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ayaa weli ka socota magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo leh xamaasad gooni ah.

Illaa saddex kursi oo ka mid ah kuraasta harsan xubnaha ka imaanaya HirShabelle ayaa saacadaha soo socda doorashadooda lagu qaban doono halkaasi.

Musharaxiinta maanta tartamaya ayaa kala ah:

1- Cali Shacbaan Ibraahim,
2. C/Qaadir Xanafi Sheekth Bashir,
3. Cabdullahi Axmed Tawaad,
4. Caasho Xuseen Abuukar,

5. Cabdalle Cabdi Xuseen

Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah;

1-Maxamedamiin Sheekh Cismaan,
2-Daaha Muxidiin Sheekh Daa’uud.
3- Axmed Maxamed Cali”Afcadey”
4-Yuusuf Maxalin Xasan “Filadheere”

Kursiga saddexaad ee lagu tartamayo ayaa kala ah;

1-Naciimo Ibraahim Yuusuf.
2-Zamzam Cabdulaahi Xuseen.
3-Maxamed Macalin Xasan Kulmiye.
4- Abuukar Xasan Cali Maqaney.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa illaa iyo hadda lagu doortay illaa afar Senatar, kadib doorasho xasaasi ah oo ka dhacday gudaha magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here