Doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta lagu qabtay doorashada saddex kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya,  kuwaas oo deegaan doorashadooda ay tahay dowlad goboleedka Jubbaland.

Doorashada oo lagu bilaabay kursiga Hop#132 ayaa waxaa ku guuleysatay Cadar Xareed Jibriil kadib markii ay u tanaasushay Ifraax Cabdiqani Yuusuf oo la tartami laheyd.

Kursiga labaad ee Hop#092 waxaa ku guuleystay Saadaq Cabdullaahi Cabdi, waxaana u tanaasulay musharrax Cabdullaahi Aadan Cabdi oo kula tartami lahaa kursigaan.

Sidoo kale kursiga saddexaad ee Hop#023 waxaa kusoo baxday Nasro Mahdi Caraale ka gadaal markii ay u tanaasushay Sahro Cabdi Cilmi oo la tartami laheyd, sida uu shaaciyey guddiga SEIT ee maamulka Jubbaland.

Si kastaba, tallaabadan ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii doorashooyinka ee ahaa in la dadajiyo doorashada Baarlamaanka laguna soo gabagabeeyo, ka hor 25-ka bishan Febraayo ee sanadka 2022-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here