Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka oo ka dhacday Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa Maanta magaalada kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ku qabtay doorashada Kursiga Hop#079.

Kursigaan ayaa waxaa horay loogu doortay oo dhawaana ka geeriyooday Alle ha u Naxariistee Muxamed Maxamed Kuuloow oo ku geeriyooday magaalada Nairobi, waxaana maanta loo doortay Xildhibaan Xassan Budul Cali,doorshada ayaa waxa ku tartamay Xasan Budul Cali iyo Cilmi Barre Cabdi oo tartanka ka tanaasulay.

Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland Dr Siyaad Maxamed Mursal oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in doorashada kursiga Hop#079 oo ku guuleystay Xildhibaan Xassan Budul Cali..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here