Doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka oo ka dhaceysa Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Guddiga doorashada ee HirShabelle ayaa shaaciyey in maanta la qabanayo doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#039 oo ay deegaan doorashadiisu tahay Beledweyne.

Musharixiinta u tartamaya kursigan ayaa la filayaa in la diiwaangeliyo gelinka hore ee maanta, iyada oo isla gelinka dambe ee maanta doorashada la qabanayo.

Guddiga xulista ergada oo ka kooban odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ayaa dhankooda guddiga SEIT u gudbiyey ergada dooraneysa kursigaasi.

HOP#039 waxaa horey ugu fadhisay xildhibaan Maryan Axmed Haaruun oo haatan ka mid ah musharixiinta u tartameysa kursigaas oo yaalla magaalada Beledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here