Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#086 oo dib loo dhigayo

0

MUQDISHO (SMN) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku cadaadinayo guddiga hirgelinta doorashada ee heer federaal inuu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP 86, kaas oo uu doonayo Fahad Yaasiin oo la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Xubno ka tirsan guddiga oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo ayaa BBC u sheegay in ra’iisal wasaaraha uusan sheegin sababta uu u rabo in dib loo dhigo doorashada kursigaas oo uu hadda ku fadhiyo Faarax Sheekh Cabduqaadir oo mar ahaa wasiirka cadaallada ee Soomaaliya.

Lama ogga go’aanka uu guddiga ka qaatay dalabka ra’iisal wasaaraha iyo in la joojin doono qabashada doorashada HOP 86.

Si kastaba, Xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa hadda hawlo caafimaad ugu maqan dalka dibeddiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here