Doorashada kuraas ka mid ah BF Somalia oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga maamulka doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland (SEIT) ayaa 9 kursi oo Gollaha Shacabka u gudbiyay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, kuwaas oo doorashadooda la qabanayo todobaadkan.

Sidoo kale guddiga ayaa faray odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada inay soo xaadiraan xarunta, si loo siiyo tababaro ku saabsan doorashada.

Horay laba kursi oo ka mid ah kuraasta gobollada waqooyi ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ah ku soo baxday ra’iisul wasaare ku xigeenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here