Doorashooyin qof iyo cod ah oo ka billowday deegaanada Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Waxaa saaka aroortii hore si rasmi ah u bilaabatay cod-bixinta doorashada qof iyo codka ah ee golaha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Xilli hore waxaa la buux dhaafiyey goobaha doorashada, waxaana dadku ay safaf dhaa- dheer ugu jiraan sidii ay codkooda u bidhiiban lahaayeen, una dooran lahaayeen dadkii metali lahaa.

Goobaha cod-bixintu ayaa lagu wadaa in ay soo xirmaan lixda maqribnimo ee maanta, sida uu sheegay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.

Doorashooyinka ka socda saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa waxaa ku tartamaya 8 urur siyaasadeed, iyada oo laga codeynayaa 54 xarumood oo la diyaariyey.

Sidoo kale waxaa kaararka codeynta qaatay 37,578, iyada oo ay tartamayaa illaa 449 musharrax, oo u sharraxan 87 kursi ee yaalla saddexdaasi degmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here