Dowlad goboleedka Galmudug oo digniino kasoo saartay jarista dhirta

0

GAALKACYO (SMN) – Maamulka gobolka Mudug ee Galmudug ayaa digniino ka soo saaray jarista dhirta, xilli maalmihii lasoo dhaafay uu maamulku ku howlanaa la dagaalanka jarista dhirta.

Todobaadyadii u dambeeyey waxaa howlgallo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug lagu soo qabqabtay dad la sheegay inay ka ganacsa jireen jarista dhirta.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye, ayaa sheegay in hadda ay diyaariyeen ciqaabtii uu muteysan lahaa qofka lagu qabto isagoo dhirta jaraya.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in la qabtay kulankii ugu dambeeyey ee odayaasha dhaqanka deegaanka ay la yeesheen, si loo hor dhigo sharciga laga diyaariyey la dagaalanka jarista dhirta.

Waxa uu sheegay in sharcigaas uu ka hir-galay magaalada Hobyo oo horay ay ugu qaadeen sharcigaan dad ku howlanaa jarista dhirta, isla markaana wixii maanta ka dambeeya uu sharcigaan ka hir-geli doono deegaanada kale ee gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here