Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis cusub

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda  warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe iyo safiirka dowladda Talyaaniga u jooga Soomaliya AlBERTO  FIYEKI, aya manta kala saxiixday heshiis lagu hormarinayo radio muqdisho,sido kale waxa heshiiskan qayb ka ah in horaanta sanadka cusub radio muqdisho dib looga bilaabi doono luuqada Talyaaniga oo kamid ah luqadihi xiliyadii hore ka bixi jiray radio muqdisho

Kulanka heshiiska dhinacyada ay ku kala saxiixanayayeen oo ka dhacay xarunta wasaarada warfaafinta aya waxaa goob joog ahaa qaar kamid ah Agasimayasha waxyaha wasaarada warfafinta

Agasimaha Guud ee Wasaarada warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdullahi  xayir ducaale aya kulanka kadib ka warbixiyay heshiiskan ay wasaarada warfaafinta iyo safiirka Talyaniga kala saxiideen maanta, Agaasimaha ayaa xusay in heshiiskani yahay mid kor u qaadaya xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Dowladdaha Soomaliya iyo Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here