Dowladda Belgium-ka oo ballan-qaad culus u sameysay Soomaliya

0

BRUSSELS (SMN) – Dowladda dalka Belgium-ka ayaa sheegtay in dhowaan ay Soomaaliya soo gaarsiin doonto deeq lacageed, si wax looga qabto abaaraha xoogan ee ka jira Soomaaliya.

Wasiirka dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka Belgium-ka ayaa sheagay in dowladdiisa ay la socoto abaaraha ka jira Soomaaliya, shacabkana ay u garman doonaan.

Sidoo kale wuxuu intaas raaciyey in dowladda Soomaaliyeed ay soo gaarsiisay in dalab la xiriira abaaraha ka jira Soomaaliya, kadib kulan dhexmaray Guddoomiyaha BFS iyo kan Belgium-ka.

Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa gaartay meshii ugu xumeyd, waxaana meelaha qaar laga soo warinayaa dhimasho, madamada saddex sano oo xiriir ah uusan di’in wax roob ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here