Itoobiya oo bayaan kasoo saartay dagaalladii Liyuu Boolis & AlShabaab

0

ADDIS ABABA (SMN) – Dowladda Dhexe ee dalka Itoobiya ayaa markii ugu horraysay soo saartay war-saxaafadeed ay uga hadlayso dagaalkii dhawaan dhex maray Al-Shabaab iyo ciidamada Dowlad Deegaanka oo gacan ka helayay militeriga federaalka Itoobiya.

War-murtiyeedkan oo ahaa mid la sugayay in muddo ahba ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab la gaarsiiyay khasaare xooggan. Waxaa kale oo lasoo tebiyay inay sii badanayso tirada xubnaha Al-Shabaab ee lagu qabanayo gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Afdheer.

Hoggaanka Al-Shabaab ayaa dhankooda horay u sheegay inay guulo ka gaareen dagaallada labo jeer ka dhacay deegaannada xadka u dhow.

Maxaa lagu yiri war-muriyeedka?

War-saxaafadeedkan ayaa si buuxda ugu saabsan faahfaahinta dagaalladii isxigay ee ka dhacay magaalooyin u dhow xadka kala qaybiya Itoobiya iyo Soomaaliya, kuwaasoo ay ku lug lahaayeen Al-Shabaab iyo ciidamada Liyu Booliska ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Xogta lagu sheegay waxaa ka mid ah in 85 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Feerfeer ee ku taalla xadka ay Itoobiya la wadaagto gobolka Hiiraan.

Dagaalkii ka dhacay gobolka Afdheer, oo ilaa hadda lagu soo warramay in uu si goos goos ah u socdo ayaa isagana lagu dilay Al-Shabaab ay tiradoodu gaarayso 209 xubnood, sida lagu sheegay warkan kasoo baxay dowladda federaalka Itoobiya.

“Al-Shabaab damacoodu waxa uu ahaa in ay ka gudbaan deegaanka Ceel-Karri si ay u gaaraan dhulka jooggiisu sarreeyo ee ka billowday halkaas iskuna xira deegaannada Soomaalida iyo Oromada si ay khalkhal u sameeyaan jabhadna halkaas uga noqdaan iyagoo ku biiraya kooxda Shene,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay dowladda dhexe.

Ururka Shene oo qayb ka ah dhaqdhaqaaqyada Oromada ayay dowladda Itoobiya u aqoonsan tahay urur argagixiso ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here