Dowladda Kenya oo war kasoo saartay weerar ay Al-Shabaab ka fulisay dalkaas

0

MUQDISHO (SMN) – Booliska Kenya ayaa faah faahin ka bixiyey weerar ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab shalay ku qaadeen qeybo ka mida Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas.

Qoraalka ka soo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen weerarkaas oo lagu qaaday Masjid ku yaalla agagaarka magaalada Wajeer.

Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday inay soo bad-baadiyeen dad uu ku jiro Imaamka Masjidka oo ay wateen dagaalyahanada weerarka qaaday.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa iyaduna shaacisay inay la wareegtay gacan ku heynta tuulada Konton oo ah meesha uu ka dhacay weerarka, sida ay hadalka u dhigtay.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay inay qarax miino ku dishay ugu yaraan 30 askari oo gurmad ahaan uga soo baxay meel 1 KM u jirta tuulada uu weerarka ka dhacay.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro culus ka fuliya gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari oo xuduud dheer la leh Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here