Dowladda Maraykanka oo warbixin kasoo saartay xaaladda Soomaaliya

0
Somalia and United States flags together textile cloth, fabric texture

MUQDISHO (SMN) – Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda dalka Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee ayaa ka warbixisay waxyaabihii ay kala hadashay madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadib wadahallo ay siyaabo gooni gooni ah ula yeelatay.

“Waxaan maanta kala hadlay madaxweyne Farmaajo baahida deg degga ah ee loo qabo in la joojiyo hadallada iyo ficillada xiisad abuurka ah. Waxaan ku booriyey inuu ra’iisul wasaare Rooble ku taageero qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo in si deg deg ah loo dhameystiro doorashooyin la isku haleyn karo,” ayey tiri Phee.

Qoraalka Mary Catherine Phee ayaa intaas ku sii daray“Waxaan shalay la hadlay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble si aan hoosta uga xariiqo taageeradeena ku aadan dadaalladiisa uu ku qabanayo kulanka Golaha Wadatashiga Qaran si loo saxo khaladaadka doorashada, si deg deg ahna loogu soo geba-gebeeyo doorashooyin xalaal ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here