Dowladda Mareykanka oo war ka soo saartay xiisadda Laascaanood

0

MUQDISHO (SMN) – Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay kaga hadashay xaaladda murugsan ee ka taagan magaaada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inuu codkiisa ku biirinayo baaqyada lagu dalbanayo in lagu joojiyo dhiiga ku daadanayo magaaladaasi.

“Wararka ku saabsan rabshadaha Laascaanood, waxaan codkeena ku biirinaynaa dadka ku baaqaya in xaaladda la dejiyo,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi ku sii daraya “Nabadda iyo kala dambaynta waa in la ilaaliyo, lagana dhowrsado dagaal lagu waxyeeleynayo shacabka iyo burburinta hantida.”

Rabshadaha ka socdo Laascaanood ayaa galay maalintii shanaad, waxa ayna ka dhasheen dilalka inta badan ka dhaca magaaladaas oo dhacda waqooyiga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here