Dowladda Norway oo $30 Milyan ugu deeqday Soomaaliya + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Norway ayaa maanta dowladda federaalka Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan $30 Milyan, taas oo ah mashaariic horumarineed.

Munaasabad kooban oo  ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa heshiis ku kala saxiixday Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway Anne Beathe.

“Waxa aan maanta ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, Anne Beathe. Waxa aan ka wadahadalnay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay “Dowladda Norway waxa ay Soomaaliya ku taageeraysaa lacag dhan $30 Milyan oo dollar taasi oo ay inoo soo marisiinayso Bangiga Adduunka, lacagahaas waxaa lagu horumarin doonaa dhaqaalaha Soomaaliya”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here