Dowladda Qadar oo kordhisay taageerada ay siiso Soomaaliya

0

DOOXA (SMN) – Dowladda Qadar ayaa sheegtay in ay sare uqaadday taageeradii iyo xiriirkii walaaltinimo ee kala dhaxeeyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Bayaan ay fadhiga 48-aad ee golaha xuquuqul Insaanka Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ka jeedisay Marwo Jawhara Al-Suwaidi, oo ah Ku-xigeenka wakiilka Joogtada ah ee Dowladda Qadar ee QM  fadhigeeduna yahay Geneva ayaa lagu sheegay inay sii wadayaan bixinta gargaarka iyo taageeridda mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.

Wakiilka ayaa si gaar ah diiradda u saartay dhinacyada caafimaadka, wax barashada, abuurista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, xoojinta awoodda laamaha ammaanka iyo bixinta taageero siyaasadeed, si loo xaqiijiyo madaxbannaanida, midnimada iyo wada jirka dhuleed ee dalka.

Al-Suwaidi ayaa sheegay in Dowladda Qadar ay ku nuuxnuuxsanayso caqabadaha hortaagan iyo khataraha dhanka amniga, argagixisada, faafitaanka Covid-19, abaaraha, fatahaadaha iyo waxyaabo kale.

Bayaanka Dowladda Qadar ayaa lagu sheegay muhiimadda sida loogu baahan yahay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay is-xakameeyaan, oo ay sii wadaan wada-xaajoodka Qaran, iyagoo ay ka go’an tahay inay qabtaan doorashooyin nabdoon, hufan, loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo waqtigii loogu talagalayna ku qabsooma.

Ugu dambayn bayaanka ayaa lagu sheegay inay tallaabooyinkaasi qayb ka noqon karaan diyaarinta Jawiga ku habboon iyo fulinta qorshayaasha iyo barnaamijyada, gaar ahaan kuwa la xiriira kor u qaadista iyo ilaalinta xuquuqda Aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here