Dowladda Sacuudiga oo safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Boqortooyada Sacuudi carabiya ayaa Mudane Axmed bin Maxamed Al-Muwallad u soo magacowday safiirkeeda cusub ee u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan, Binu Cabdulcasiis Aala-Sacuud ayaa aaladda fogaan aragga ku dhaariyay Safiirka cusub Axmed bin Maxamed Al-Muwallad/

Sidoo kale waxaa madasha dhaarinta goobjoog ka ahaa dhaxal sugaha Sacuudiga Amiir Muxamed Bin Salmaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Amiir Faisal bin Farxaan bin Abdullah, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Waliid bin Cabdul Karim Al-Khuraji iyo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Hab-maamuuska Khaalid bin Faisal Al-Sahli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here