Dowladda Soomaaliya oo aqoonsatay Jaamacado horleh + Magacyada

0

Guddiga Qaran ee tacliinta sare ayaa soo bandhigay liiska kale ee Jaamacadaha heysta ruqsadda iyo diiwaangalinta Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ka kooban 63 Jaamacadood oo ku yaal caasimadda iyo Gobolada dalka.

Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare, ayaa horray u shaaciyey liis ka kooban 41 Jaamacadood oo ka gudbay qiimeynta wajiga 1-aad ee guddigu sameeyey, waxaana uu guddiga bulshada Soomaaliyeed ogeysiiyey in Jaamacadaha uu magacoodu hoos ku qoran yahay ay heystaan ruqsadda iyo diiwaangalinta Wasaaradda Waxbarashadda,

Qoraalka guddiga ayaana sidaan u qorna.

Wargelin Muhiim ah

Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare waxuu ku wargelinayaa Jaamacadaha hoos ku xusan, waalidiinta iyo Ardayda Jaamcadaha in Jaamacadahaani heystaan Ruqsadda iyo Diiwangelinta Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare xaqna ay u leeyihiin in ay howshoodi Waxbarasho ee ay bulshada u hayeen wali sii wadan karaan.

Hoos ka Akhri magacayada Jaamacadda:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here