Dowladda Soomaaliya oo ATMIS kala wareegtay xerada Maslax + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa taliska howlgalka ATMIS kala wareegtay gacan ku heynta xerada Maslax oo ku taalla degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

ATMIS ayaa xeradan ku wareejisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, si ay ugu howlgalaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda wareejinta xeradan ayaa waxaa ku sugnaa madaxa howlgalka ATMIS, ahna Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Al-Amiin Souef oo mas’uuliyadda xerada Maslax iyo maamulkeeda ku wareejiyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow.

Wasiiru Dowlaha oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in qorshaha la wareegitaanka xeradan uu qayb ka yahay dadaalka ay dowladda kula wareegeyo amniga dalka.

Xerada Maslax ayaa waxaaa muddo sanado ah ku sugnaa ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Soomaaliya, kuwaas oo ugu dambeyn faarujiyey xeradaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here