Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay wadahadal la galeyso Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Xuseen Macalin Maxamuud oo ah Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha ayaa beeniyay wararka sheegaya in dowladda federaalka ay wadahadal la galeyso Al-Shabaab.

Xuseen Macallin oo wareysi gaar ah siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan xilligan diyaar u aheyn inay wadahal la gasho Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay in dowladda uusan soo gaarin codsi rasmi ah oo Al-Shabaab ay ku dalbaneyso wadahadal, kadib markii uu arrintaas shalay shaaciyay wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya.

Lataliyaha Amniga Qaranka ayaa markale ku celiyay in aanu isbeddalin mowqifka dowladda dhexe ee ku aadan dagaalka haatan lagula jiro Al-Shabaab

“Siyaasaddeena ku aaddan wadahadal lala galo Al-Shabaab waxba isma baddelin, wax wada-xaajood ah kulama jirno Kooxda haseyeeshee Shakhsiyaadka doonaya in ay ka baxaan kooxda waxaa la marin doonnaa nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee Dowladda” ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ku fiday gobollada dalka, kadib markii ay ku biireen dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here