Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay qaraxii ka dhacay dalka Turkiga

0

ISTANBUL (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarka qarax loo adeegsaday ee lagu qaaday maanta dad rayid ah oo ku sugnaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in uu uga tacsiyeynayo shacabka iyo dowladda Turkiga dadka ku dhintay weerarkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay la murugooneyso, isla markaana ay u duceyneyso dadka wax ku noqday qaraxa ka dhacay dalka Turkiga.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ah laba dal oo saaxibo dhow ah, sidoo kalena uu ka dhexeeyo xiriir xoogan oo diblumaasiyadeed, ayada oo xukuumadda Ankara ay si weyn u taageerto dowladda federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here