Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan

0

BUULOBURTE (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Aboorey oo hoostaga degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay illaa 30 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale dowladda ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan dhankeeda looga dhaawaay ugu yaraan 5 askari oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

“Ciidanka Xoogga dalka ayaa xalay abaaro labadii habeenimo saq dhexe dagaal kula galay Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab deegaanka Abooreey, ciidanka xoogga dalka oo sii haayay xogta dhagarta Argagixisada ayaa gaarsiyay jab xoog leh, iyada oo dhanka kale ay dhaawacyo soo gaareen 5 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga” ayaa lagu yiri qoraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here