Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inuu geeriyooday Abuu Cabdiraxmaan

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu geeriyooday Maxamed Xasan Cumar oo loo yaqaanay (Abuu Cabdiraxmaan), kaas oo Al-Shabaab ugu magacownaa gobolka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in sarkaalkan uu bil ka hor ku dhaawacmay howlgal ka dhacay xadka kala qabiya Shabeellooyinka, kadibna la geeyey magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in dhaawiciisa oo darnaa iyo daryeel la,’aan uu sarkaalkan u geeriyooday, sida ay hadalka u dhigtay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here