MUQDISHO (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe ay ku dishay illaa 40 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida lagu sheegtay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Dowladda federaalka ayaa sheegtay in howlgalkaas oo ahaa bartilmameed ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada Nabad Sugidda, kuwa Xoogga dalka iyo Saaxibada Caalamiga ah.
Sidoo kale dowladda dhexe ayaa sheegtay in xilliga uu dhacayey howlgalkan ay Al-Shabaab abaabul ka wadeen deegaanka Cali Fooldheere oo hoostaga degmada Mahadaay.
Halkan hoose ka aqriso:-