Dowladda Soomaaliya oo taageero buuxda u muujisay Shiinaha

0

MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa taageero loogu muujiyey dowladda Shiinaha oo ay haatan is hayaan Mareykanka.

Dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday inay taageersan tahay madax bannaanida dhuleed iyo mida midnimo ee Shiinaha.

Sidoo kale waxay ku baaqday in la ilaaliyo qaraarada ka soo baxay Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Ururka Midowga Afrika.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale ku celinaysaa taageerada joogtada ah ee ay u hayso madax-bannaanida Shiinaha, madaxbannaanida siyaasadeed, madax bannaanida dhuleed iyo midnimo qaran, waxayna ku baaqaysaa in loo hoggaansamo qaraarrada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee khuseeya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here