Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalkii saaka ka dhacay Baydhabo ayaa sheegtay inay ka xun tahay shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ee ka dhacay magaaladaaasi oo xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

Dowladda dhexe ayaa ugu baaqday dhinacyada isku hayo Koonfur Galbeed inay wadahadal ku dhameeyaan xiisadda dhexdooda ah ee ka taagan maamulkaasi.

“Dowladda Federaalka waxay ku boorineysaa dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo.” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Halkan hoose ka aqriso:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here