Dowladda Soomaaliya oo warqad xasaasi ah u dirtay Kenya + Ujeedka

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u soo bandhigeysaa bogaadinteeda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Kenya, waxaana sharaf u ah in aan mar kale ku celino in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay caadi ka dhigeyso xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Iyadoo laga duulayo daris wanaagga, Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Jamhuuriyadda Kenya in ay dib u furto howlihii diblomaasiyadeed ee ay ka wadday Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay si is-daba-joog ah safaaradda uga furayso Kenya. Dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed oo buuxa waxay bilow wanaagsan u noqon doontaa bilowga wadahadalada labada dal u dhexeeya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay uga faa’iideysanaysaa fursaddan inay dib ugu cusbooneysiiso wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Kenya hubinta tixgelinta ugu sareysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here