Dowladda UK oo ka jawaabtay tallaabadii uu qaaday orodyhanka Mo Farah

0

LODON (SMN) -Dowladda Britain ayaa qoraal ay soo saartey ku sheegtay in orodyhanka caanka ah ee Mo Farah uu dhiiri gelin u yahay bulshada Britain oo dhan kadib markii uu uu shaaca ka qaaday arrimo qarsanaa oo ku saabsan noloshiisa.

Mo Faarax ayaa sheegay in si sharci darro oo ah qaab tahriibin ganacsi ah isaga oo carruur ah lagu geeyay dalka Britain isaga oo watay magaca ilmo kale si uu ugu shaqeeyo guriga ciddii kaxaysatay.

Afhayeen u hadley dowlada Britain ayaa sheegay in sheekada Mo Farah ay muujinyso xasuusin naxdin leh oo ku saabsan argagaxa ganacsiga tahriibta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here