Dowladdii Sweden oo maanta la riday iyo sababta ka dambeysa

0

Dowladdii Sweden ayaa maanta la riday kadib markii Stefan Lofven uu noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, taasi oo macnaheedu yahay inuu is-casilo ama ku baaqo doorasho deg deg ah.

Mooshinka codka kalsoonida ayaa lagu ansixiyey ayada oo ay taageereen aqlabiyadda xildhibaano gaaraya 181 oo ka mid ah 349-ka kursi ee baarlamanka.

Mooshinka ayaa waxaa Khamiistii diiwaan geliyey xisbiga midigta-fog ee Sweden Democrats (SD), kadib markii Lefty Party, oo taageerayey dowladda uu ku dhowaaqay inuu qorsheynayo inuu taageero mooshinka, si uu ashtako uga muujiyo mashruuca ay dowladda ku qafiifineyso xakameynta kirada guryaha, taasi oo ay ugu yeereen tallaabo lagu weeraray hanaanka bulsho ee Sweden.

Xisbiga muxaafadka ee Moderate Party iyo xisbiga Christian Democrats ayaa sidoo kale deg deg ugu dhowaaqay inay taageerayaan tallaabadan, taasi oo xaqiijisay aqlabiyad.

Lofven waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, waxayna ka dhigan tahay inay burburtay dowladdii ay ku mideysnaayeen xisbiyada Social Democrat iyo Green Party.

Xasaraddan ayaa waxaa dhaliyey mashruuc weli maraya xaalad horudhac ah, oo dib u habeyn loogu sameynayo maamulka dowladda ee kirada guryaha, kaasi oo albaabada u furaya in dadka leh daaraha cusub ee la dhisayo ay ayaga goyn karaan qiimaha kirada.

Qorshahan ayaa waxaa loo arkay mid halis ku ah hanaanka bulsho ee Sweden iyo dadka kireysanaya guryaha.

Lofven ayaa waxa uu hadda haystaa hal toddobaad, si uu go’aan uga gaaro inuu ku baaqo doorasho deg deg ah, ama uu is-casilo, taasi oo macnaheedu yahay in afhayeenka baarlamanka uu billaabi karo wada-xaajoodyo u dhaxeeya xisbiyada si ay usoo doortaan musharax buuxin kara xafiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here